Sunday 15 July, 2018

WARARKII UGU DAMBEEYEY-Maxaa Ka Socda Fariisimada Ciidanka Puntland iyo Somaliland ee Tukaraq.

Xaaladda deegaanka Tukaraq iyo deegaamada hoosyimaada oo ay isku horfadhiyaan ciidanka Soomaaliland iyo Puntland ayaa ah mid ka degan sidii ay ahayd todobaadkii la soo dhaafay inkastoo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo mararka qaar laga dareemayo deegaamadaasi.

Ciidanka Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa weli isku horfadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo deegaamo dhowr ah oo hoosyimaada. Wararkii ugu dambeeyey ee caawa ilaa galabta aanu ka helayno deegaankaasi ayaa sheegaya inaysan jirin wax dagaal ah walow diyaar garawga ciidan uu marwalba sii kordhayo.

Bulshada kunool deegaamada ciidanku joogaan ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid marwalba colaad laga filan karo marka loo eego boqolaalka ciidanka ah ee ku sugan deegaamadaasi.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa socdey waanwaan ay waddo beesha caalamku oo ku aaddan sidii labada dhinac looga dhaadhicin lahaa in laga baaqsado dagaal ka dhaca deegaanka ayna ciidanka kala qaadaan.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada