Monday 16 July, 2018

XOG CUSUB-Xildhibaanadii Ugu Badnaa oo Is Urursanaya iyo Mooshinka Madaxweynaha Laga Diyaarshey oo Meel Sare Maraya Xilli Khilaafkii Imaaraadku Jiro.

Wararka naga soo gaaraya Xarunta maamulka HirShabelle ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Xildhibaanada Mooshinka kawada Hogaamiyaha maamulka Maxamed C/waare.

Xildhibaanada Mooshinka kawada Waare oo iminka tirro ahaan kordhay ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay wadaan diiwaan galinta Xildhibaano dheeri ah oo kusoo biiray Mooshin wadayaasha.

Xildhibaanada ilaa iyo hadda is diiwaan galiyay ayaa la xaqiijiyay inay kor u dhaafayaan Afartan iyo Shan Xildhibaan oo si rasmi ah u saxiixay Mooshinka Hogaamiye Waare.

Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa qaarkood sheegay inuu u yeeray Hogaamiye Waare si ay u wadahadlaan, hase ahaatee ay diideen.

Waxa ay sheegen inaanu xiligaan dooneynin wadahadal ay la galaan Waare, waxa ayna ku goodiyeen inay marin doonaan halka ay mariyeen Cosoble.

Sidoo kale, Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada maamulka ayaa ku lug leh Mooshinka laga keenay Waare, kuwaa oo u hanqal taagaaya Kursiga.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doona waxaana socda dadaalo uu wado Hogaamiye Waare, si uu kaga badbaado Mooshinka heerka gabagabo maraaya.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

3 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "XOG CUSUB-Xildhibaanadii Ugu Badnaa oo Is Urursanaya iyo Mooshinka Madaxweynaha Laga Diyaarshey oo Meel Sare Maraya Xilli Khilaafkii Imaaraadku Jiro."

  1. Mohamed says:

    Belaayo koonfur waxa galay cudur layiraahdo “motion” mooshin.
    Beeso keen hadii kale waa mooshin.

  2. Mohamed says:

    Dadkan dawlad ma rabaan waxay rabaan beeso mahaydaa mise waa ku buriyaa oo mooshin Aan keenaa.

  3. maxamed sulub says:

    parlamanka hirshabele waxan uso jedinaya in aay moshika jojiyan,sababto ah moshin wa shido,waxad ogtihin shaqo badan aya idin sugeysa,sidii lo dhisay mamulka hirshabele wax shaqo ah oo laqabtay majirin markasta waxa lagu jiray moshin,wax laaga dhefay majiro oo aan bubur ahan & dibu dhac mamulka fadhiid ka dhigay,madaxweynihi midkan ka horeyey ayad moshin xukunka uga turteen,madaxweyne kasta oo hirshabele somara moshin aya meel uyala tasi ma’ah shaqadi loo dhisay parlamnka Qaranka hirshabele.

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada