Monday 28 May, 2018

AKHRISO-Khasaaraha Puntland iyo Soomaaliland Ka Soo Kala Gaarey Dagaalkii Tukaraq.

Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxa ay guulo ka kala sheegteen dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana sidoo kale mid walba uu shaaciyey inuu gacanta ku dhigay gaadiid dagaal iyo hub ay qoladada kale lahayd.

Soomaaliland ayaa sheegtay inay qabsatay dhowr gaari oo nooca dagaalka ah ayna Puntland ka dishey askar ayna ka dhaawacday kuwa kale, haseyeeshee ilo wareedyo ku sugan magaalada Burco oo dhaawacyada la geeyey ayaa sheegaya in laga diley 37 askari oo meydadkooda la geeyey halkaasi halka 57 kalena ay kaga dhaawacmeen.

Puntland waxaa wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan inay 11 askari kaga dhinteen halka dhowr iyo toban kalena kaga dhaawacmeen walow ay u badnaayeen dhaawacyo fudud oo gacmaha u badnaa inkastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijiyanaya khasaaraha dhabta ah marka laga reebo xogaha xarumaha caafimaadka.

Ciidanka difaaca Puntland waxa ay gacanta ku dhigeeen 9 gaari oo nooca dagaalka ah waxaana ay Soomaaliland ka qabsadeen fariisimadeeda ugu waaweynaa sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Puntladn Cabdullaahi Quraan Jecel.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "AKHRISO-Khasaaraha Puntland iyo Soomaaliland Ka Soo Kala Gaarey Dagaalkii Tukaraq."

  1. Kenadiid says:

    Walaale nabada ka shaqee. Caawa Garowe tacsi iyo baroor badan ayaa yaalo. In ka badan boqol askar ayaa dhinaceena ka dhintay. Dhinaca kale somalilan warkood ma hayo. Waa maalin murugo.

  2. abuukar says:

    caawa goroowe boowe waa laga wada ooyaya dhimashadu ciidey ka badantee waxba haynoo qaranina ragg badan ayaa dagaalka lagu waayaye uu wado camey

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada