Friday 19 October, 2018

AKHRISO-Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland oo Shaaciyey in Khasaare Labada Dhinac Soo Gaaray ayna Haystaan Tukaraq.

Taliyaha Militariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa ka hadlay dagaalkii ka bilowday deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, waxaana uu sheegay dagaalka inay soo qaadeen ciidamada Puntland.

“Waxa na soo weeraray ciidanka Puntland kuwaas oo naga soo weeraray jiida Hawdka, laba jeer ayaanay na soo weerareen oo subaxii mar ayey ahayd, kawdii iyo wixii ka dambeeyeyna weerar ayey nagu soo qaadeen, weerarkaas waa la celiyey, waxaana ka dhintay inta aanu ognahay sadex qof, waxaana ka dhaawacmay shan qof.”

Taliyaha ciidanka Soomaaliland ayaa waxa uu sheegay dhankooda inay guulo ka gaareen dagaalkaasi, khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada Puntland ee weerarka kusoo qaaday, isagoo ka hadlayana waxaa uu yiri mar kalle.

“Dhimasho iyo dhaawacba waa jiraan dhan walba, waxaanan ka qabsanay lix baabuur oo midi taangi yahay, dhulkii ay joogeena anaga ayaa joogna oo ciidankeena ayaa ku sugan.”

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: