Thursday 16 August, 2018

DEG DEG-Taliskii Ciidanka Soomaaliland oo La Burburiyey iyo Saraakiisha Soomaaliland oo Xaqiijiyey.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidanka Puntland ay duqayn ku gubeen saldhiggii ugu weynaa ee ciidanka Soomaaliland ay ku lahaayeen duleedka deegaanka Tukaraq oo ay qabsadeen bilowgii sanadkaan.

Mid kamid ah suxufiyiinta ku sugan magaalada Laascaanood ayaa xaqiijiyey in saraakiisha Soomaaliland ay xaqiijiyeen in Puntland ay burburisay saldhiggoodii islamarkaana ay hadda dhanka togga ah ee Gambadha ay saldhig ka samaysteen.

Masuuliyiin katirsan Puntland oo galabta gaarey deegaanka Tukaraq aaggiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidanka Puntland ay jebiyeen ciidamadii soo weeraray ee Soomaaliland ayna qabsadeen deegaanka Tuakraq oo laysku horfadhiyey.

Cutubyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa gaaray gudaha Tukaraq, waxayna si feejigan ciidamadu baaritaano ugu sameeyeen goobo ay Miinooyin ku xireen maleeshiyadka Somaliland, kuwaas oo horey xogahooda loo hayey.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: