XOG-Kadib Dagaalka Tukaraq Madaxweyne Gaas oo Garoowe Ku Wajahan iyo Kulamo Caawa Ka Socda Baydhabo.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu qorshaynayo inuu soo afmeero safarkiisa magaalada Baydhabo xilli xiisad dagaal ka taagan tahay deegaanka Tukaraq.

Xogta aanu ka helayno Baydhabo ayaa sheegaya in caawa shir albaabadu u xiran yaihiin ay leeyihiin shanta madaxweyne maamul Goboleed ee ku uruursan magaalada Baydhabo,waxaana shirkaasi diirada lagu saarayaa dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq.

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in madaxweynaha dowladda Puntland Dr Gaas ahna gudoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu ka codsaday madaxda kale in shirkaasi la dedejiyo maadaama ay Puntland ku jirto xaalad dagaal.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq ku aadan in la joojiyo dagaalka soo saaray,wuxuuna Maamulada is haya ugu baaqay iney miiska wada hadalka fariistaan si xal kama danbeys looga gaaro dagaalada soo noq noqday.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: