Monday 28 May, 2018

AKHRISO-Goobaha ay Ku Kala Sugan Yihiin Ciidamada Puntland iyo Somaliland iyo Goobaha Hubku Ka Dhacayo Saaka.

Xiisad dagaal ayaa weli ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyadoona hubka culus iyo madaafiicda goobta ay labada dhinac saaka isku ridayaan sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey.

Ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ayaa isku hor fadhiya dueledka galbeed ee deegaanka Tukaraq, dhanka bari ee laamiga iyo dhanka deegaanka Gambara ama aagga Higlada.

Saddexdaasi goobood ayaa saaka waxaa ka dhacaysa rasaas goos goos ah iyadoona labada dhinac ay isku garaacayaan hubka culus mana jirto cid faahfaahin ka bixisay khasaaraha maanta.

DHEGAYSO-Weriye Gaarey Jiidda Hore oo Ka Sheekaynaya Qaabka Dagaalka iyo Wixii uu Arkay.

DEG DEG-Hugunka Hubka Culus oo Laga Maqlayo Galbeedka Tukaraq iyo Gurmad Gaarey Labada Dhinac.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada