Friday 17 August, 2018

Ciidankii Ugu Badnaa ee Puntland iyo Somaliland oo Tukaraq Gaarey Gobolada ay Ka Soo Jeedaan iyo Goob Jooge Ka Sheekaynaya Xaaladda Saaka.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe deegaankaasi ay gaareen ciidankii ugu badnaa oo gurmad ugu yimid ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Ciidamada dhanka Soomaaliland gurmadka ugu yimid ayaa la sheegay inay ka soo bexeen magaalada Hargaysa iyo deegaamo katirsan gobolada Sanaag iyo Awdal oo ay shalay isugu diyaariyeen xuska munaasabaddii aasaaska Soomaaliland.

Dhanka kalena, ciidankii ugu badnaa ee Puntland oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka kana soo kicitimay gobolka Mudug ayaa xalay gaarey deegaamo katirsan gobolka Sool gaar ahaan fariisimadii shalay lagu dagaalamay iyo saldhigga Fallayryaale.

Gaadiidka culus ee dagaalka ayaa horumar ka sameeyey madaafiicda goobta oo si toos ah mudo ka badan 2 saacadood loogu garaacay saldhigyadii ugu waa weynaa ee ciidamada Somaliland.

Goob joogayaal ku sugan aagga dagaalka ayaa sheegay inay arkeen ciidamada Puntland oo kusugan dhanka galbeed ee Tukaraq kuwaas oo ku sii durkaya buundada Gambadha oo ah halka ugu adag ee ay degan yihiinc ciidamada Somaliland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: