DEG DEG-Hugunka Hubka Culus oo Laga Maqlayo Galbeedka Tukaraq iyo Gurmad Gaarey Labada Dhinac.

Xogtii ugu dambaysay ee warbaahinta Puntlandnews.net ay ka helayso fariisimada jiidda hore ee ay ku dagaalamayaan ciidamada Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in ay hugunka madaafiicda si toos ah looga maqlayo aagaga dagaalka.

Hubka culus iyo rasaasta ciidanka lugta oo goos goos ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacayso deegaamada dhanka buuraha ah ee galbeedka Tukaraq oo ay shalay ciidanka Puntland guulo ka gaareen taasi oo sababtay in Soomaaliland dedaal u gasho inay dib u soo ceshato deegaamadaasi.

Warar cusub ayaa cadeynaya in lafilayo in labada dhinac ay saacadihii ugu dambeeyey heleen gurmad xoogan saacadaha soo socdana laga cabsi qabo in dagaalku uu dib u bilowdo manajiraan warar dheeraad ah oo madax banaan.

Gaadiidka dagaalka ee fara badan ayaa gaaray jiidaha dagaalka ilaa hadda, waxaana la xaqiijinayaa in labada dhinacba ay hadda heleen gurmadyo ay ka kala keensadeen deegaanadooda.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: