Monday 28 May, 2018

DEG DEG-Maamulka Deegaanka ee Puntland oo Shaaciyey Cidda Gacanta Ku Haysa Tukaraq iyo In Berri Lagu Kala Bixi Doono Dagaalka.

Maamulka degmada Boocame oo ah halka uu hoosyimaado deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa ka warbixiyey xaaladda maanta ee deegaamadii shalay lagu dagaalamay iyo cidda sida rasmiga ah gacanta ugu haysa deegaanka Tukaraq.

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Boocame Axmed Cismaan Karaaf oo ku sugan afaafta hore ee dagaalka ayaa sheegay in xaaladdu ay maanta degan tahay haseyeeshee ay jirto rasaas goos goos ah oo ay labada dhinac isdhaafsanayaan iyo dhawaqa hubka culus.

Karaaf ayaa sheegaya in ciidanka Puntland ay shalay gelinkii dambe gacanta kudhigeen fariisimo dhowr ah haseyeeshee aysan weli gacanta ku wada dhigan tuualda Tukaraq oo uu sheegay in hadda labada ciidan ay dhinacyada ka kala joogaan.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa waxa uu sheegay inay kujiraan diyaar garawgii ugu dambeeyey ayna ilaa maalinimada berri ah qaadi doonaan dagaalkii ugu xooganaa ee ay ku soo celinayaan deegaamada Soomaaliland ay gacanta ku hayso.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Hal Fikrad Ayaa Laga Dhiibtay Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DEG DEG-Maamulka Deegaanka ee Puntland oo Shaaciyey Cidda Gacanta Ku Haysa Tukaraq iyo In Berri Lagu Kala Bixi Doono Dagaalka."

  1. Axmed says:

    Bal maxaad ka faa’ideen dhalinyaradii aad qabyaalada Ku dagaal geliseen shalay ee lagu haligay meesha mar hadii tuuladii yarayd aydaan xitaa qabsan.

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada