Friday 17 August, 2018

DEG DEG-Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Deg Deg Ugu Soo Laabanaya Kuna Dhawaaqaya

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ku joogay magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa soo gabagabeynaya safarkiisa, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo Aqalka Madaxtooyada ee Puntland.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa ka soo tagaya saaka shirka madasha hogaamiyaasha Soomaalida ee dawlad gobaleedyada oo socda, arrimaha dagaalada awgood, wuxuuna si gaar ah uga dagayaa magaalada Garoowe.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu waday inuu ka dego Galkacyo si uu u dhagax-dhigo mashaariic ay ka mid tahay Marsada ama dekeda loo sameynayo magaalada Garacad.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas madaxweynaha Puntland ahna Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland ayaa la filayaa in uu ka hadlo arrimaha dagaalada ka socda gobalka Sool, isagoo horey u balan qaaday in dalka laga difaacayo cid kasta oo ku soo duusho.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: