Monday 28 May, 2018

DEG DEG-Somaliland oo Iskudeyeysa Inay Puntland Furin Kaga Furto Galgala iyo Ciidanka Puntland oo Howlgallo Kawada.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno buuraleeyda Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka difaaca dowladda Puntland ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo iyo howlgallo ka dhan ah firxadka malayshiyaadka Alshabaab ee ku dhuumaalaysanaya deegaamo katirsan buuraleeyda gobolka Bari.

Howlgalladaani ayaa ciidamada kala duwan ee Puntland oo ku sugan Galgala iyo deegaamada hoosyimaada waxa ay ku beegsanayaan meelkasta oo ay rumaysan yihiin inay ku sugan yihiin malayshiyaadka Alshabaab oo xiriir laleh Soomaaliland.

Warar soo baxayey shalay ayaa shegaya in Soomaaliland oo doonaysa inay qaboojiso weerarada Puntland ee Tukaraq ay dhaqdhaqaajinayso Alshabaabka ku dhuumalaysanaya Galgala inkastoo ay halkaasi ku sugan yihiin boqolaal katirsan ciidamada Daraawiishta, PSF iyo PMPF ee dowladda Puntland.

Ciidanka dowladda Puntland ayaa dagaal kula jira ciidamada Soomaaliland ee ku sugan aagga Tukaraq waxaana marar badan dowladda Puntland ay ku eedaysay maamulka Soomaaliland inuu taageero hub iyo mid dhaqaaleba siiyo kooxda Alshabaab.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada