Monday 28 May, 2018

DHEGAYSI XASAASI AH-Goob Jooge Ku Sugan Degmada Tukaraq oo Xaqiijiyey in Ciidanka Puntland Dhaafeen iyo Xaalada Hadda.

Warar kala duwan ayaa maanta ka imaanaya fariisimada ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland kadib markii uu shalay dhexmaray dagaal xoogan oo u dhexeeya labada ciidan iyadoona deegaamada qaar ay maanta ka dheceen dagaalo goos goos ah.

Mid kamid ah dadka farakutiriska ah ee ku sugan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo lahadlay R Garoowe ayaa waxa uu sheegay in maanta uusan jirin dagaal xoogan marka laga reebo rasaas iyo hubka culus oo mararka qaar laga maqlayo fariisimada qaar.

Goob joogahaan ayaa sheegaya in ciidanka Puntland ay dhanka Galbeedka iyo Laascaanood ay ka mareen Tukaraq ayna ka shisheeyeen haseyeeshee ay ka agdhowyihiin dhufaysyo waaweyn oo ciidanka Soomaaliland ay ka samaysteen Tukaraq.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada