Monday 28 May, 2018

DHEGAYSO-Wararkii Ugu Dambeeyey ee Dagaalada Tukaraq+Goob Joogayaal iyo Weriyayaal ka Warbixiyey.

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayey dhaqdhaqaaqyada ciidan iyo xiisadda colaadeed ee u dhexaysa ciidamada Puntland iyo Soomaaliland oo dagaal khasaare badan geystey shalay ku dhexmaray aaggaasi, iyadoona weli laga cabsi qabo dagaal xoogan oo dib uga qarxa.

Wararkii ugu damebeyey ee aanu ka helayno deegaanka ayaa sheegaya in 24-kii saac ee ugu dambeeyey labada dhinac ay heleen gurmadyo xoogan oo uga imaanaya dhinacyo kala duwan isuguna jira ciidan, saanad iyo gaadiid dagaal.

Mid kamid ah dadka farakutiriska ah ee ku sugan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo lahadlay R Garoowe ayaa waxa uu sheegay in maanta uusan jirin dagaal xoogan marka laga reebo rasaas iyo hubka culus oo mararka qaar laga maqlayo fariisimada qaar.

Goob joogahaan ayaa sheegaya in ciidanka Puntland ay dhanka Galbeedka iyo Laascaanood ay ka mareen Tukaraq ayna ka shisheeyeen haseyeeshee ay ka agdhowyihiin dhufaysyo waaweyn oo ciidanka Soomaaliland ay ka samaysteen Tukaraq.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Dhanka kalena, Mid kamid ah suxufiyiinta ka howlgala deegaamada Puntland gaar ahaan Garoowe ayaa booqday jiidaha hore ee deegaamada ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland, wuxuuna ka warbixiyey wixii uu indhihiisa ku arkay iyo sida dagaalku u socdey, hoose ka dhageyso

HOOS KA DHEGAYSO CODKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada