Monday 28 May, 2018

MUUQAAL-Dagaalo Goos Goos ah oo Galabta Tukaraq Ka Dhacay Kulamo Caawa Socda iyo General Siciid Dheere oo Booqday Furimaha Hore.

Wararkii ugu dambeeyey ee caawa warbaahinta Puntlandnews.net ka helayso fariisimada dagaalka Tukaraq ayaa sheegaya in ay caawa xaaladdu tahay mid adag oo ay dhinacyadan oo dhan ku jiraan diyaar garoow dagaal, xili ay bilaabatay bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Saraakiisha ciidanka labada dhinac ayaa leh kulamo ay uga hadlayaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey iyo sidii ay go’aan rasmi ah uga qaadan lahaayeen difaacyada ciidamada is dul-fadhiya iyo weeraradii ugu dambeeyey.

Xogta ayaa sheegaysa in Somaliland xoogeeda ciidanka iskugu keentay deegaanka Higlada, halkaas oo ay cabsi badan ka qabto in uu ka dhaco dagaalka ugu culus ee dhexmara ciidamada labada dhinac ee Puntland & dhankooda.

DAAWO-General Siciid Dheere oo Booqday Fariisimadii Ciidanka Soomaliland Laga Qabsaday.

VIDEO-Corneal Cumar Faraweyne oo Duleedka Tukaraq Digniin Kaga Dhawaaqay,”Howshu Waa Bilow”.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada