WAR DEG DEG AH-Madaafiicdii Ugu Cuslayd oo Jiida Hore Ka Dhacaysa iyo Ciidanka Lugta oo Rasaas Ka Ridaya Dhowr Jiho.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidanka Puntland iyo Soomaaliland oo ku sugan deegaamadaasi ay isku garaacayaan hubkii ugu cuslaa ee yaaley jiidaha dagaalka.

Goob jooge ku sugan jiidda dagaalka ayaa sheegaya in ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ay isku garaacayaan hubka culus xilli ay xaaladdu ahayd mid degan subaxnimadii hore ee saaka ilaa shalay galab maqribkii oo dagaalkii shalay joogsaday.

Marka laga yimaado hubka culus ee ay labada dhinac hawada isu marinayaan kuna garaacayaan fariisimada haddana ciidanka lugta ayaa waxa ay meelaha gaar ka bilaabeen rasaas goos goos ah iyadoo laga cabsi qabo inuu dib u qarxo dagaal lamid ah kii shalay.

Goobaha ugu badan ee duqayntu ka dhacayso ayaa lagu soo waramayaa inay ku sugan yihiin ciidanka Soomaaliland oo saaka hub ku soo ridey fariisimadii cusbaa ee duleedka Tukaraq ay shalay ka samaysteen ciidanka dowladda Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: