Friday 17 August, 2018

WARARKA AROOROORYO-Dhaqdhaqaaqyo iyo Abaabul Ka Socda Goobihii Xalay Lagu Kala Baryey ee Tukaraq.

Wararkii ugu dambeeyey saaka salaaddii subax aanu ka helayno deegaanka Tukaraq iyo deegaamada ku hareersan ee ay shalay ku dagaalameen ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ayaa sheegaya in xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo xoogan ay ka socdaan halkaasi.

Fariisimada ayaa saaka hiirta hore waxaa laga dareemayaa diyaar garaw dagaal kadib markii xalay habeenku kala dhexgalay ciidamada Puntland iyo Soomaaliland oo shalay dagaal khasaare ballaaran geystey ku dhexmaray deegaamadaasi.

Ciidamada Soomaaliland oo dhanka Laascaanood ka jooga Tukaraq ayaa doonaya inay ku soo laabtaan deegaankaasi, waxaana ay xalay guuraysiiyeen dhaawacyo iyo meydad shalay gelinkii dambe dagaalkaasi kaga waxyeeloobay.

Shacabka kunool deegaanka Tukaraq ayaa intoodii badnayd ka barakacday deegaankaasi waxaana ay sheegeen in intii ku hartay halkaasi ay ka joogi waayeen duryanka iyo habqanka hubka ay isdhaafsanayeen Puntland iyo Soomaaliland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: