Friday 17 August, 2018

DEG DEG-Jananadii Ugu Badnaa ee Reer Puntland oo Gaarey Tukaraq Miyuu Kujiraa General Moorgan.

Wararkii ugu dambeeyey ee warbaahinta Puntlandnews.net ay ka helayso deegaamadii lagu dagaalamay ee aagga Tukaraq ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen saraakiil wata darajooyin kala duwan oo ka soo jeeda deegaamada Puntland, kadib markii Muuse Biixi uu Tukaraq geeyey malayshiyaad tiro badan islamarkaana uu u habar waxay cidkasta oo arrin ciidan taqaan.

Jananadaan oo ku sugnaa Nairobi, Muqdisho & Gaalkacyo ayaa shalay soo gaaray jiidaha dagaalka, waxayna khibradooda ciidan ku biirinayaan howlgalka dibu xoreynta gobalka Sool, iyagoo qaadanaya waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saaran difaaca dalka.

General Khaliif Ciise Mudan oo madax u ahaan jiray Muuse Biixiga Somaliland xukuma waqtigan ayaa kasoo duulay magaalada Nairobi, isagoo toos u aaday deegaanka Tukaraq oo ah halka laga hogaaminayo howlgalka dibu xoreynta gobalka Sool.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) iyo Jeneraalada ayaa kawada hadlay xaaladda deegaanka Tukaraq iyo howlgalka lagu xoraynayo gobolka Sool, waxaana lafilayaa inuu deegaanka gaaro General Moorgan oo dibadda ka soo socda.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: