Thursday 16 August, 2018

MUUQAAL-Diyaar Garaw Dagaal oo Ka Socda Jiidaha Hore ee Tukaraq iyo Ciidanka Puntland oo Madaxweynuhu Amar Siiyey.

Diyaar garawgii ugu dambeeyey ee dagaal ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo hareerihiisa oo ay fariisimo kuleeyihiin ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo muddo dhowr bilood ah isku horfadhiya.

Ciidamada Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxaa deegaankaasi dagaal xoogani ku dhexmaray maalinimadii Talaadadii ee 15-kii bishaani May, waxaana dagaalkaasi uu sababay dhimashada askar katirsan labada dhinac iyo dhaawaca kuwa kalea, iyadoona ay labada dhinac kala qabsadeen gaadiid dagaal.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaankaasi ayaa waxa ay sheegayaan in xiisadda colaadeed ay sii kordhayso xilli ay Hanjabaad xoogan hawada isu marinayaan madaxda Puntland ee ku kala sugan Garoowe, Hargaysa iyo goobaha dagaalka.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqlaa magaalada Baydhabo ayaa markii uu maanta ku soo laabtay magaalada Garoowe bogaadin u diray ciidanka Puntland, wuxuuna sheegay inay u diyaar garoobaan xoraynta deegaamada Puntland ka maqan.

Halkaan riix muuqaalka maaxweynaha

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: