Friday 17 August, 2018

Sawirro-Musharax General Khaliif Ciise Mudan iyo Janano Kale oo Iyagoo Tuute Xiran Jiida Hore Gaarey.

Musharaxa madaxweynaha General Khaliif Ciise Mudan iyo sarakiil kale oo uu hogaaminayo ayaa waxa ay gaareen jiida hore ee Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland, waxaana ay kulamo la qateen taliska ciidanka Puntland.

Jananadaan oo ku sugnaa Nairobi, Muqdisho & Gaalkacyo ayaa shalay soo gaaray jiidaha dagaalka, waxayna khibradooda ciidan ku biirinayaan howlgalka dibu xoreynta gobalka Sool, iyagoo qaadanaya waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saaran difaaca dalka.

General Khaliif Ciise Mudan oo madax u ahaan jiray Muuse Biixiga Somaliland xukuma waqtigan ayaa kasoo duulay magaalada Nairobi, isagoo toos u aaday deegaanka Tukaraq oo ah halka laga hogaaminayo howlgalka dibu xoreynta gobalka Sool.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) iyo Jeneraalada ayaa kawada hadlay xaaladda deegaanka Tukaraq iyo howlgalka lagu xoraynayo gobolka Sool, waxaana lafilayaa inuu deegaanka gaaro General Moorgan oo dibadda ka soo socda.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

One Response to "Sawirro-Musharax General Khaliif Ciise Mudan iyo Janano Kale oo Iyagoo Tuute Xiran Jiida Hore Gaarey."

  1. Omer J says:

    Faqashtii aanu sideetanaadkii cunay ayey dib usoo hawl gasheen walee jananadii faalsada ahaa sida Morgan Cabdi Bile ayaan wax idiin tarin bal Cabdaadka ka baxay Cabdi Weli halkan ka akhrista iyo fariinta oohinta ah ee uu u diray Farmaajo.

    http://burcoonline.com/articles/73464/Fadeexada-Maamulka-Puntland-Oo-Ay-Soo-Wajahday-Fashil-Xaga-Ciidanka-Ah-Iyo-Madaxwayne-Gaas-Oo-Ciidan-Ka-Dalbaday-Madaxwayne-Farmaajo

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: