War Deg Deg ah oo Hadda Tukaraq Naga Soo Gaarey iyo Goob Jooge Sheegay inuu Arkay Ciidankii Somaliland oo Bilaabay

Xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa saaka degan inkastoo halkaasi laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay halkaasi ka wadaan ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo dhowaan halkaasi dagaal ku dhexmaray.

Goob jooge ku sugan deegaanka Tukaraq oo inta badan dadkii deganaa ka qexeen kadib dagaalkii Talaadadii la soo dhaafay oo goor dhoweyd la hadlay warbaahinta Puntlandnews.net ayaa sheegay in xaaladdu ay degan tahay uusanna jirin wax dagaal ah marka laga yimaado rasaas goos goos ah oo mararka qaar ay maqlayaan.

Axmed Jaamac, oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in tuulada aysan dad badan ku sugnayn laga cabsi qabo dagaal ka dhex qarxa labada dhinac oo saamayn kuyeesha dadkii deegaanka, maadaama diyaar garawga dagaal uu marayo halkii ugu dambeeyey.

Goob Joogahaan ayaa waxa uu sheegay in ciidamo ku hubaysan gaadiidka dagaalka oo horleh ay saacadihii ugu dambeeyey soo gaareen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ayna ciidanka Soomaaliland dhufaysyo horleh samaysteen.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: