Monday 28 May, 2018

WAR DEG DEG AH-Rasaas Goos Goos ah oo Laga Maqlay Jiida Hore ee Tukaraq iyo Xaaladda Saaka.

Wararka naga soo gaaraya deegaanada ay ku dagaalamayaan ciidamada Difaaca Dawladda Puntland iyo maleeshiyaadka Somaliland ayaa sheegaya in laga maqlay waqtigan oo ah aroornimo hore hubka culus oo ay dhinacyadu isku ridayaan.

Wararka ayaa sheegaya in ay jireen tan iyo shalay howlgal dhanka madaafiicda ah oo ay wadeen ciidamada Puntland si loo burburiyo goobaha ay cadowga ku dhuumanayan.

Ilaa hadda majiro dagaal toos ah oo ka bilowday aagaga ay ciidamadu isku horfadhiyaan, balse wararka laga helayo dadka reer miyiga ah ayaa sheegaya in mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos-goos oo ka dhacaysa gaadiidka yar yar ee dagaalka.

Kulamadaan xasaasiga ah oo aysan saxaafaddu wax shaqo ah kulahayn ayaa u dhexeeyey madaxda dowladda Puntladn qaarkood, taliska guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland, saraakiisha ciidamada dowladda Puntland, Xildhibaano iyo wasiiro ka soo jeeda gobolka Sool iyo waxgarad.

Xogta ay helayso Puntlandnews.net ayaa sheegaysa in kulamadaan lagu qaadaa dhigayey daandaansiga Soomaaliland ee deegaanka Tukaraq iyadoona madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidanku ay xaqiijiyeen in dowladda Puntland ay ka go’antahay sidii Soomaaliland looga xorayn lahaa deegaamada gobolka Sool kadib markii ay diidey wada hadaladii nabadeed ee beesha caalamka.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa u sheegay dowladda Puntland inay ku garabtaan yihiin dagaalka ka dhanka ah Soomaaliland, isla markaana ay waxkasta u huri doonaan sidii Soomaaliland ay mudo kadib isaga kicin lahaayeen.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada