Sunday 27 May, 2018

XOG-Kulamo Xasaasi ah oo Ka Dhacay Garoowe iyo Tukaraq Maxaa Lagu Dejiyey Qorshaha Xoraynta Laascaanood.

Saacadihii ugu damebeeyey magaalada Garoowe iyo furimaha dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa ka dhacay kulamo xasaasi ah oo looga arrinsanayey dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Kulamadaan xasaasiga ah oo aysan saxaafaddu wax shaqo ah kulahayn ayaa u dhexeeyey madaxda dowladda Puntladn qaarkood, taliska guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland, saraakiisha ciidamada dowladda Puntland, Xildhibaano iyo wasiiro ka soo jeeda gobolka Sool iyo waxgarad.

Xogta ay helayso Puntlandnews.net ayaa sheegaysa in kulamadaan lagu qaadaa dhigayey daandaansiga Soomaaliland ee deegaanka Tukaraq iyadoona madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidanku ay xaqiijiyeen in dowladda Puntland ay ka go’antahay sidii Soomaaliland looga xorayn lahaa deegaamada gobolka Sool kadib markii ay diidey wada hadaladii nabadeed ee beesha caalamka.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa u sheegay dowladda Puntland inay ku garabtaan yihiin dagaalka ka dhanka ah Soomaaliland, isla markaana ay waxkasta u huri doonaan sidii Soomaaliland ay mudo kadib isaga kicin lahaayeen.

Kulamada ugu muhiimsan oo ka dhacay jiidaha hore ee Tukaraq ayaa waxaa taliska guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland kula yeesha saraakiisha ciidanka horkacaysa waxaana uu ku ammaanay sida ay dalka difaaciisa ugu diyaarsan yihiin, iyadoona lagu amray inay u diyaar garoobaan dagaalka cadawga Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Hal Fikrad Ayaa Laga Dhiibtay Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "XOG-Kulamo Xasaasi ah oo Ka Dhacay Garoowe iyo Tukaraq Maxaa Lagu Dejiyey Qorshaha Xoraynta Laascaanood."

  1. asc marka hore dhaman saxada iyo tabiyasha puntland news wan ini salamaya anigo joga wadanka zabia kana so jeda gobolka nugal ra yi ahan waxan ku darsan laha dowlada puntland ayada ayaa mar hore ka amustay xoraynta dalkeda sababto aha manta sharaf xumo waxa u ah puntland somaliland oo tabar yar oo mamul laqano hal qabil ah in magaladii dhamayd ee laas,aanood ay haysato waa ayan daran in kasto shacabka puntland somaliland ay isku adeegsatay iyaga dhex dooda runtii waa ayan daranwana wax laga xumado runtii hadalkayga waxan kuso gaba gabeynaya madaxda puntland in ay wax kaqabto howsha mesha katagan ciidan waad lehay wax kasta waad haysataan dowladu dadaalkeeda habilowdo sida ay gacanta ugu soo dhigi lahayd gobolada kamaqana wana ii salamaa

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada