Friday 19 October, 2018

Cabsidii Ugu Weyneyd oo Caawa Ka Taagan Magaalada Laascaanood iyo Xaafado Laga Baxay.

Cabsidii ugu xooganayd ayaa soo wajahday shacabka kunool magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool xilli ay foodda nagu soo hayso munaasabadda ciidul fidriga oo ah maalin qiimo weyn u leh umadda Islaamka.

Kadib dagaalkii ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool 24tii bishii dhammaatay ee May waxaa maamulka Soomaaliland uu ciidamo badan soo dhoobay xaafadaha magaalada Laascaanood.

Goob jooge ku sugan magaalada oo lahadlay warbaahinta Puntladndnews ayaa xaqiijiyey in indhihiisu ay qabanayeen ciidanka Soomaaliland oo magaalada gaaf wareegaya iyo xaafadaha qaar oo laga soo bixi waayey.

Goob joogahaan oo sababo ammaan aan magiciisa u qarinay ayaa sheegay in xaafadaha qaar dadku ayba ka barakeceen ayna u bexeen deegaamo katirsan gobolka Sool iyo magaalada Garoowe.

Dadka ayaa aad uga cabsi qaba inuu saamayn kuyeesho dagaal kale oo ka qarxa deegaanka Tukaraq maadaama Soomaaliland ay qorshaysay inay dhufayskeeda labaad kadhigato magaalada Laascaanood.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

One Response to "Cabsidii Ugu Weyneyd oo Caawa Ka Taagan Magaalada Laascaanood iyo Xaafado Laga Baxay."

  1. abdulkareem says:

    waxaan aad isku weydiinayaa waxaad umaddan beenta ugu sheegaysaan,

    waxaan idiin sheegayaa inta goor ee ay ciidanka somaliland dul yimaadeen iyagoo ka maqan,Iyo maray lugta qaniinsan yihiin.
    markaa ha lug goynina masaakiintaa

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: