Thursday 18 October, 2018

DAAWO-Dhaqdhaqaaqyo Xoogan oo Saaka Ka Socda Furimah Tukaraq iyo Gurmad Xoogan oo Gaarey.

Wararkii ugu dambeeyey ee warbaahinta Puntlandnews ay saaka ka helayso gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidanka iyo xiisad dagaal.

Ciidanka difaaca Puntland ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxa ay ku sii siqayaan furimaha dagaalka waxaana ay diyaar garaw xoogan ugu jiraan sidii ay Soomaaliland uga xorayn lahaayeen guud ahaan gobolka Sool.

Dhanka kalena, ciidanka Soomaaliland oo ka cabsi qaba duulaan xoogan oo kaga yimaada Soomaaliland ayaa waxa ay kujiraan dhufaysyo kuyaal Tukaraq iyo hareereheeda, inkastoo maalmihii ugu dambeeyey uu khilaaf xoogani ka dhex aloosnaa.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ciidanka Puntland ayaa waxaa maalinimadii shalay gaarey deeq iyo gurmad xoogan oo kayimid dhankaa iyo deegaama xeebeedyada Eyl ee Nugaal.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: