DAAWO-Puntland oo Ku Dhawaaqday Dagaal Lagu Xoraynayo Gobolka Sool,”Majiro Wadahadal Ilaa Sool Laga Xoreeyo Somaliland”.

Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ciidanka difaaca dowaldda Puntland ay xorayn doonaan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaamada ciidanka Soomaaliland ay kaga sugan yihiin gobolka Sool halkaasi oo maamulka Hargaysa uu duulaan ku soo qaaday.

Afhayeenka madaxtooyada dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel oo warbaahinta lahadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuusan jirin wax wadahadal ah oo ay Puntland lagelayso maamulka Hargaysa maadamaa uusanba jirin dhul Soomaaliland leedahay oo ay kuwada hadlaan.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA 

Quraan Jecel ayaa si rasmi ah u sheegay in Puntland ay xorayn doonto magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba deegaamada gobolka Sool, isagoona hadalka Soomaaliland ku sheegay mid siyaasadaysan oo dano gaar ah iyo beer laxawsi looga golleeyahay.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA 

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: