Thursday 16 August, 2018

DAAWO-Puntland oo Xaqiijisay Dagaal Kadhan ah Somaliland Farriin Culusna u Dirtay Shacabka Labada Dhinac.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee gobolka Sool, hadalo ka soo yeeray Soomaaliland iyo isdhexgalka bulshada Puntland iyo Soomaaliland.

Ugu horayn wasiir Qarjab ayaa sheegay in Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn ayna ka go’antahay difaaca xuduudeheeda dastuuriga. Wasiirka warfaafinta Puntland oo kahadlayey isu socdka shacabka labada dhinac ayaa sheegay in qofkaasta oo Soomaali ah uu si xorriyad ah ugu noolaan karo Puntland aysana cidi wax kuyeeli doonin ciidda Puntland.

Ugu dambayntiina Cabdi Xirsi Cali Qarjab wasiirka warfaafinta Puntland ayaa beeniyey in Puntland ay wadahadalo kula jirto Soomaaliland si loo kala qaado ciidamada ku sugan Tukaraq, isagoona sheegay inaysan wax gorgortan ah kugeli doonin dhulka Puntland.

HALKAAN RIIX MUUQAALKA KA DAAWO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: