Thursday 18 October, 2018

DEG DEG-Ciidanka Soomaaliland oo Madaafiic Culus Ku Soo Garaacaya Dhanka Puntland iyo Faahfaahin Ka Soo Baxaysa.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta aaggaasi laga maqlayo dhawaqa madaafiicda culus oo ay soo ridayaan ciidanka Soomaaliland ee ku sugan deegaanka Tukaraq.

Ciidanka Soomaaliland ayaa madaafiic tijaabo ah ku soo ridaya aagaga ay ku malaynayaan ciidanka Puntland, inkastoo aysan wax jawaab ah kala kulmin goobahaasi oo ay ciidanku ku diyaarsan yihiin.

Mid kamid ah howl wadeenada Puntlandnews oo ka soo ambabaxay magaalada Laascaanood oo soo maray goobaha ciidanku joogaan ayaa sheegay inuu maqlayey hub aad u culus iyo madaafiic ciidanka Soomaaliland soo ridayaan.

Ciidanka Puntland oo kujira furimaha dagaalka ayaa sheegay inaysan wax jawaab ah ka bixinayn daandaansiga Soomaaliland inta ka dhimman bisha barakaysan ee Ramadaan oo maalmihii ugu dambeeyey lagu jiro.

Majirto cid ilaa hadda wax ku noqotay hubkaasi daandaansiga ah ee ciidanka Soomaaliland ay wadaan, waxaana ay muujinaysaa sida maamulka Soomaaliland uu ugu diyaarsan yahay sii hurinta xiisadda gobolka Sool iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: