Thursday 16 August, 2018

DEG DEG-Gudiga Difaaca Puntland oo Ku Dhawaaqay In Dagaal Lagu Xoraynayo Gobolka Sool Beeniyeyna Inuu Wadahadal Socdo.

Gudiga difaaca dowladda Puntland oo goor dhoweyd warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuusan jirin wax wadahadal ah oo dowladda Puntland ay kula jirto Soomaaliland.

Xubno katirsan gudiga difaaca dowladda Puntland oo warfidiyeenka kula hadlayey magaalada Garoowe ayaa sheegay in dagaalka gobolka Sool uu yahay mid dowladdu ku soo celinayso dhulkeeda ayna sii wadayso.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa beeniyey hadalkii Sacad Cali Shire ee ahaa in labada dhinac xaaladda gobolka Sool kawada hadlayaan, wuxuuna sheegay in Puntland ay xorayn doonto gobolka Sool.

Dhanka kalena wasiir Qarjab ayaa faray shacabka Soomaaliland ee ku sugan Puntland inay nabadgelyo kunoolaadaan islamarkaana aysan cidna baabuurta kala degi doonin oo ay joogaan dhulkoodii.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: