DEG DEG-Xiisadda Gobolka Sool oo Sii Kululaatay iyo Gudiga Difaaca Puntland oo Hadda Warbaahinta u Yeeray Kuna Dhawaaqaya.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya inuu shir jaraa’id qabanayo gudiga difaaca dowladda Puntland, kaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyey warbaahinta xog ka siin jirey xaaladda ammaanka ee Puntland.

Xog hoose ayaa sheegaysa in gudiga difaaca dowladda Puntland ay shirkaan jaraa’id kaga hadli doonaan hadal shalay ka soo yeeray Soomaaliland oo sheegtay inay wadahadal kula jirto dowladda Puntland si xal looga gaaro dagaalada gobolka Sool.

Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ciidanka difaaca dowaldda Puntland ay xorayn doonaan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaamada ciidanka Soomaaliland ay kaga sugan yihiin gobolka Sool halkaasi oo maamulka Hargaysa uu duulaan ku soo qaaday.

Afhayeenka madaxtooyada dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel oo warbaahinta lahadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuusan jirin wax wadahadal ah oo ay Puntland lagelayso maamulka Hargaysa maadamaa uusanba jirin dhul Soomaaliland leedahay oo ay kuwada hadlaan.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA 

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

One Response to "DEG DEG-Xiisadda Gobolka Sool oo Sii Kululaatay iyo Gudiga Difaaca Puntland oo Hadda Warbaahinta u Yeeray Kuna Dhawaaqaya."

  1. Mohamed says:

    Hdal keliyaa kasoo haray Puntland hanjabaad bilaa ficil ah iyo iyadoo faashil ka joogta dagaalkii iyo siyaasadii maxay ciidamada u dhaqaajin waayeen ilayn cid hortaagan ma jirto eh mar hadii ay xabad joojintii diideen.

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: