XOG-Waftigii Kayimid Hargaysa oo Waji Gabax Kala Kulmay Laascaanood iyo Odayaasha Dhaqanka oo Lakulankooda Diidey Una Digey.

Gudi u badan hor joogayaasha ka soo jeeda gobolka Sool ee Soomaaliland oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa lagu soo waramayaa inay waji gabax kala kulmeen odayaasha dhaqanka.

Mid kamid ah howl wadeenada Puntlandnews oo ku sugan Laascaanood ayaa waxa uu xaqiijiyey in odayaasha dhaqanka ee gobolka Sool gaar ahaan Laascaanood ay si cad u diideen qorshihii gudiga ka socda Soomaaliland ee ku sugnaa Laascaanood.

Odayaasha dhaqanka ayaa diidey inay guud ahaanba wax shirar ah la qaataan madaxda ka socda maamulka Soomaaliland oo ay sheegeen inay yihiin shaqsiyaad sharaftoodii shilimaad aan sii jiri doonin dhaafsaday.

Waxa ay sheegeen in xiisadda dagaal ee ka soo cusboonaatay gobolka Sool iyo dhibaatada Soomaaliland ay ka waddo gobolka Sool ay sabab u noqon kadho dagaal waayo badan laga sheekeeyo oo Soomaaliland ay kala kulanto gobolka Sool.

Hor joogayaasha Muuse Biixi u soo diray Laascaanood ayaa ujeedkoodu ahaa sidii ay shacabka gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood taageero u siin lahaayeen Soomaaliland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: