Thursday 16 August, 2018

XOG+DHEGAYSI-Maxaa Kajira in Dhalin Reer Soomaaliland ah Lagu Afduubay Gudaha Puntland.

Kadib markii ciidanka Soomaaliland ay afuubteen laba wiil oo ka soo jeeda Puntland ayaa waxaa soo baxayey warar sheegaya in shacab caraysan ay dhalinyaro kala oo dhanka waqooyiga ka soo jeeda aargudasho ahaan u afduubteen.

Xiriir dheeraad ah oo warbaahinta Puntladnews ay la samaysay maamulka gobolka Sool iyo saraakiisha ammaanka ayaan ku ogaanay inaysan waxba kajirin wararka sheegaya in Puntland dad lagu afduubtay.

Wararku waxa ay sheegayaan in xogtaasi been abuurka ah ay baahiyeen qolyo doonaya inay qiil u sameeyeen afduubkii Caynaba iyo saraakiil doonaya inay kiciyaan dadka shacabka ah ee labada maamul ka soo kala jeeda.

HALKAAN KA DHEGAYSO CODKA

Ciidanka Soomaaliland ayaa degmada Caynaba oo ay maamulkeeda gacanta kuhayaan waxa ay ku joojiyeen gaari shacab iyagoona halkaasi kula degey laba wiil oo ka soo jeedey deegaamada Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: