Thursday 16 August, 2018

BREAKING NEWS-Ciidamo Ka Soo Ruuqaansaday Gobolka Karkaar oo Gaarey Furimaha Dagaalka Tukaraq.

Furimaha dagaalka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa maantaa soo gaarey ciidamo horleh oo katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland, kuwaasi oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka.

Ciidamadaani oo watey gaadiid dagaal iyo hub ayaa ka soo kicitimay deegaamo katirsan gobolka Karkaar ee Puntland waxaana ay gelbinayeen xoolo mid kamid ah beelaha degan gobolka Karkaar ay ugu talagashay ciidanka dowladda Puntland.

Jiida hore ayaa waxa ciidankaan ku soo dhoweeyey masuuliyiin katirsan dowladda Puntland iyo xubno katirsan gudiga taakulaynta ciidamada oo la wareegey xoolaha ciidanka loogu talagalay.

Xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sii kululaanaysa maalinba maalinta ka dambaysa waxaana ku sii qulqulaya ciidamo katirsan Puntland iyo Soomaaliland oo halkaasi marar badan ku dagaalamay.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: