Friday 19 October, 2018

DAAWO-Puntland oo Go’aan aan Farxad Gelin Ka Qaadatay Dhexdhexaadin ay Culimada iyo Ganacsatadu Wadaan.

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey warar sheegaya in culimaa’udiin iyo ganacsato ka soo kala jeeda deegaamada Puntland iyo Soomaaliland ay wadaan dhexdhexaadin  lagu qaboojinayo xiisadda colaadeed ee deegaamada gobolka Sool.

Culimada iyo ganacsatada labada dhinac ayaa la soo sheegayaa inay wadaan dedaalo nabadeed oo lagu kala qaadayo ciidamada Puntland iyo Soomaaliland oo muddo dhowr jeer ah ku dagaalamay deegaanka Tukaraq iyo deegaamada hoosyimaada.

Warar hoose ayaa sheegaya in ganacsatada iyo culimada Soomaaliland ay u sheegeen culimaa’udiinka Puntland inay dammaanad ka haystaan madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi si looga baaqsado dagaal ka dhaca deegaankaasi.

Xogtu waxa ay sheegaysaa in dhinaca Puntland ay lakulmayaan madaxda ugu saraysa dowladda Puntland inkastoo aan la ogayn jawaabta ay kala kulmi doonaan, inkastoo marar badan xukuumadda Puntland aysan wax wadahadal ah kageli doonin dhulkeeda.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inaysan wax wadahadal ah ka geli doonin ciiddeeda islamarkaana shuruudda kaliya ee ay wadahadal kugeli kadho ay tahay in ciidamada Muuse Biixi ay ka baxaan deegaamada gobolka Sool ay kaag sugan yihiin.

HALKAAN RIIX MUUQAALKA KA DAAWO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: