Friday 22 June, 2018

DEG DEG-Isu Socodkii Gaadiidka Boosaaso oo La Joojiyey iyo Ciidamo Badan oo Waddooyinka Caawa Ku Sugan.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maalinimada berri ah sida rasmi ah loo xadidey isu socodkii gaadiidka ee magaalada Boosaaso.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay iney hakiyeen dhamaan isu socodka Gaadiidka dadweynaha , waxaana uu taliyuhu shacabka faray inay lugta isticmaalaan oo aan la arki karin wax gaadiid ah oo gudaha magaalada ku dhex sonaya.

Berri ayaa waxaa salaadda ciida siweyn looga tukan doonaa guud ahaan dunida Islaamka waxaana Boosaaso ay kamid tahay magaalooyinka aadka u mashquulka badan ee Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada