Thursday 16 August, 2018

WAR DEG DEG-Dhaawacyo Laga Keenay Gobolka Sool oo Garoowe Ku Soo Wajahan iyo Masuuliyiin Booqanaya.

War deg deg ah oo goor dhoweyd naga soo gaarey magaalada Garoowe ayaa sheegaya in isbitalka weyn ee magaalada Garoowe ay ku soo wajahiin gaadiidka caafimaadka oo dhaawacyo ka soo qaaday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gaadiidkaan caafimaadka ayaa Laascaanood ka soo qaaday qaar kamid ah dadkii saaka ku dhaawacmay rasaas xoogan oo ciidanka Soomaaliland ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada.

Dhaawacyadaan ayaa lafilayaa inay xarumaha caafimaadka Garoowe ku booqdaan masuuliyiin katirsan dowladda Puntland oo warbaahinta lahadli doona kana warbixinaya dhibaatada ka socda Laascaanood.

Ciidanka Soomaaliland ayaa saaka aroos ku furay dad shacab ah oo ku sugnaa bartamaha Laascaanood waxaan ka dhashay iska hor imaad dhex maray shacabka iyo ciidank Soomaaliland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: