Weerar Ciidanka Somaliland Qaadeen oo 3 Askari Looga Dhaawacay Hub Laga Furtay iyo Rasaas Dhacaysa.

Inta la xaqiijiyey laba ruux oo shacab ah iyo saddex katirsan ciidanka milatariga Soomaaliland ayaa dhaawacyo ka soo gaareen iska hor imaad saaka ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Iska hor-imaadkaan ayaa waxa uu ka dhashay kacdoon ay sameeyeen dad shacab ah oo ka carooday dhaawac ciidanku ay gaarsiiyeen haweeney ganacsato ah oo ku sugnayd suuqa weyn ee magaalada.

Kacdoonka shacabka ayaa waxa uu sababay dhaawaca askarta iyo inay ciidanka ka qaadaan 2 qori oo nooca fudud ah, sida uu goor dhoweyd noo xaqiijiyey goob jeege ku sugan magaalada Laascaanood.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa magaalada Laascaanod waxaana la sheegay in ciidanku ay ku kala cayrinayaan dadka shacabka ah ee ku sugan goobihii lagu diriray.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: