Thursday 16 August, 2018

XOG-Ciidanka Somaliland oo Ku Soo Durkay Dhanka Puntland iyo Kuwa Puntland oo Ku Guurey Immisa KM Ayey Isu Jiraan Caawa.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno furimaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ayaa sheegaya in ciidanka Soomaaliland ay maalmihii ugu dambeeyey ka soo durkeen fariisimadii ay deganaayeen.

Xogta ay Puntlandnews helayso ayaa sheegaysa in ciidanka Soomaaliland ay ku dhowaad 1KM u soo durkeen dhanka ciidanka Puntland taasi oo sababtay in ciidanka kujira furimaha ugu horeeya ee Puntland ay ku guuraan dhanka ciidanka Soomaaliland.

Labada ciidan oo isku soo guurey ayaa horay isugu jirey 7KM waxaase ay hadda isu jiraan masaafo kayar 5KM taasi oo sababi kadha dagaal saacad kasta ka dhex qarxi kara ciidamada labada dhinac.

Ciidanka labada dhinac ayaa waxa ay saddex jiho ka fadhiyaan deegaanka Tukaraq oo horay u ahaa Kastamkii Puntland ee gobolka Sool, waxaana Soomaaliland ay cududeeda isugu geysey buundada KUNJEER ANIGAA KUJECEL.

Lama oga sida xaaladdu ay noqon doonto waxaase wararka qaar sheegayaan in Puntland ay go’aansatay inaysan wax dagaal ah qaadin maalmaha ka dhimman bisha barakaysan ee Ramadaan inkastoo Soomaaliland ay hubka culus ku soo ridaysey saacadihii ugu dambeeyey.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: