Wednesday 19 September, 2018

DEG DEG (DHEGAYSO)-Cabsi Ka Taagan Tukaraq, Rasaas Kadhacaysa iyo Somaliland oo Dagaal Kaga Dhawaaqday.

Wararkii ugu dambeeyey ee warbaahinta Puntlandnews ay saaka ka helayso deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi saaka aroortii hore laga maqlay dhawaqa rasaas goos goos ah oo ciidamadu ridayaan.

Ka sokow rasaastaasi waxaa qasan xaaladda deegaanka inkastoo uusan jirin dagaal toos ah oo ilaa hadda dhexmaray ciidamada maamulada Puntland iyo Soomaaliland ee ku sugan aaggaasi.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Masuuliyiin katirsan maamulka Soomaaliland oo uu dhowaan Hargaysa ka soo diray Muuse Biixi Cabdi ayaa duleedka Tukaraq kaga dhawaaqay inaysan ka bixi doonin deegaankaasi isla markaana ay ku dagaalami doonaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: