Tuesday 18 September, 2018

LAFA GURKA WARARKA-Dagaal Dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo Saraakiil Ka Goostay iyo Firxad Hub Ka Iibsanaya Buuhoodle.

Maalin kahor waxaa dagaal culus deegaamo katirsan gobolka Sool ku dhexmaray saraakiil katirsan maamulka Soomaaliland oo ciidamo iyo hub kala baxsaday deegaanka Tukaraq iyo ciidamo raacdaysanayey.

Dagaalkaan oo laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu sababay khasaare soo gaarey ciidanka raacdada ah iyo kuwii ka fikaday deegaanka Tukaraq oo ku sii jeedey deegaamo katirsan Sool iyo Cayn.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen firxadka ciidankii horay uga tirsanaa Soomaaliland ee ka cararay furimaha dagaalka.

Ciidankaan ayaa bilaabay inay halkaasi ka iibsadaan hubkii iyo saanaddii ay kala bexeen Soomaaliland, halka kuwa kalena ay doonayaan inay ku biiraan ciidamada deegaanka iyo kuwa Daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka Cayn.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi iyo taliyaha guud ee ciidamada Soomaaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa amar ku bixiyey in la soo qaqabto saraakiisha iyo ciidanka doonaya inay ka baxsadaan furimaha dagaalka gobolka Sool.

Ciidamada ka soo jeeda gobolada Sool iyo Cayn ayaa bilaabay inay ka baxsadaan furimaha dagaalka kadib cadaadis xoogan oo ka soo wajahay beelohooda oo doonaya inaysan dagaal kala hor imaan Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: