Sunday 22 July, 2018

RAAD RAAC-Musharaxiin Damacsan Inay Fashiliyaan Dagaalka Xukuumadda Gaas Ku Xoraynayso Gobolka Sool iyo Ciidamo Ku Gacan Sayray.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ka taagnaa xiisad u dhexaysa maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo boqolaal ciidan ah soo dhoobay deegaaamdaasi.

Deegaanka waxaa isku horfadhiya ciidamada maamulka Soomaaliland oo qabsaday halkaasi 8dii January ee sanadkaan 2018 iyo ciidanka Puntland oo tan iyo xilligaasi kusii qulqulayey deegaankaasi.

Tiro ka saddex jeer ayaa waxaa labada dhinac deegaanka ku dhexmaray dagaal toos ah, waxaana jira ku dhowaad 30 weeraro goos goos ah oo siyaabo kala duwan u dhexmaray labada ciidan oo aad isugu dhowaadey.

Puntland ayaa ciidamo badan soo dhoobtay deegaanka, waxaana madaxda ugu saraysa dowladda Puntland ay shaaca ka qaaday inuusan dagaalku joogsan doonin inta ciidanka Soomaaliland ku sugan yihiin gobolka Sool.

Warar hoose oo ay helayso shakabadda wararka ee Puntlandnews ayaa sheegaya inay jiraan musharixiin dhowr ah oo doonaya inay xagal daaciyaan howlgalka ay xukuumaddu ku doonayso inay ku xorayso gobolka Sool.

Kooxo musharixiin ah ayaa dhowr jeer soo saaray warar kala duwan oo ay qaarkood ku sheegeen in xukuumadda dagaalku uusan daacad ka ahayn ayna waqti ku dheeraysanayso, inkastoo xukuumaddu wararkaasi guud ahaan gaashaanka u daruurtay.

Musharaxiinta qaar ayaa isku deyey inay joojiyaan ciidamada qabaa’iladooda ka soo jeeda ee kujira ciidanka Puntland si ay dagaalka u fashiliyaan, taasi oo u muuqata nasiib darro iyo shaqsiyaad dantooada.

Musharixiinta damacsan qorshahaan ayaa ah kuwa aan Puntland wax dan ah u wadin u jeedkooduna yahay sidii ay xil u heli lahaayeen iyagoo xil kororsi cid ku eedaynaya haddana xilal raadinaya.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada