Sunday 22 July, 2018

WAR DEG DEG AH-Soomaaliland oo Hadda War Culus Ka Soo Saartay Dagaalka Tukaraq Shacabka iyo Warbaahintana Ka Mamnoocday.

Maamulka Soomaaliland ayaa qoraal uu u qaybiyey warbaahinta madaxa banaan  waxaa lagu sheegay in ay ka dambeysay ka dib markii ay xiliyo badan dhaceen in la helo xaqiiqada ku wajahan deegaankaas, waxayna Somaliland ka cabatay warar aan xaqiiqo aheyn laga tabiyey.

 “Wararka kaliya ee laga tabin karaa jiidaas dagaalku ka taagan yahay ee Tuka-raq waa midka ka soo baxa taliska ciidanka ama xukuumadda, waxaana reebban in warar malo-awaal iyo kuwo laga soo xigtay meelo kale oo aan ahayn ilaha rasmiga ah laga sii daayo guud ahaan warbaahinta dalka.”Warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu yidhi;

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada