Tuesday 18 September, 2018

WARARKII UGU DAMBEEYEY-Dagaal Dhexmaray Sahanka Puntland iyo Somaliland iyo Dhaawacyo Laga Saaray Dhanka Buuraha.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor-imaad deegaanka Tukaraq galabta ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo fariisimo kuleh aaggaasi.

Dagaalkaan oo laysu adeegsaday hubka culus ayaa waxaa wararku sheegayaan inuu galabya casarkii dhexmaray ciidamo sahan ah oo Soomaaliland soo dirsatay iyo kuwa dowladda Puntland.

Dadka deegaanka qaar ayaa sheegay inay galabta arkeen baabuurta gurmadka deg deg ah oo ka timi dhinaca Buurta loo yaqaano LABO MADAXLEEY oo ah goob ay labada dhinacba ka joogaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Maamulka Soomaaliland ayaa qoraal uu u qaybiyey warbaahinta madaxa banaan waxaa lagu sheegay in ay ka dambeysay ka dib markii ay xiliyo badan dhaceen in la helo xaqiiqada ku wajahan deegaankaas, waxayna Somaliland ka cabatay warar aan xaqiiqo aheyn laga tabiyey.

“Wararka kaliya ee laga tabin karaa jiidaas dagaalku ka taagan yahay ee Tuka-raq waa midka ka soo baxa taliska ciidanka ama xukuumadda, waxaana reebban in warar malo-awaal iyo kuwo laga soo xigtay meelo kale oo aan ahayn ilaha rasmiga ah laga sii daayo guud ahaan warbaahinta dalka.”Warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu yidhi;

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: