Tuesday 18 September, 2018

BREAKING NEWS-Wasiiro iyo Saraakiil Katirsan Puntland oo Tukaraq Ku Soo Dhoweeyey Ciidamo Aad U Hubaysan.

Wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil katirsan gudiga difaaca dowladda Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay saacadihii ugu dambeeyey furimaha dagaalka ee Tukaraq ku soo dhoweeyey cutubyo katirsan ciidanka difaaca Puntland.

Ciidamadaan oo ku gashaaman gaadiidka dagaalka kana soo ruuqaansaday deegaamo katirsan Puntland ayaa waxaa la geeyey talisyada kayda ciidanka Puntland kahor inta aan lageyn goobaha ay ka geli doonaan dagaalka kadhanka ah Soomaaliland.

Dhanka kalena, xogaha dheeraadka ah ee aanu hadda ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ay samaynayaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Ciidamo aad u hubaysan ayaa saacadihii ugu dambeeyey ee lagu arkayaa furimaha dagaalka, waxaana halkaas laga dareemayaa cabsi dagaal iyadoona mararka qaar laga maqlayo dhawaqa hubka culus.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: