Sunday 22 July, 2018

DHEGAYSO-Dowladda Puntland oo Markii Ugu Horeysey Ka Hadashay Itoobiyaan Ku Soo Qulqulaya iyo Sida Loo Xakamayn Karo.

Wasaaradda amniga dowladda Puntland ayaa markii ugu horaysay waxa ay si rasmi ah uga hadashay qulqulka tahriibayaasha Itoobiyaanka ah ee todobaaddadii ugu dambeeyey ku soo qulqulayey deegaamada Puntland.

Wasiirka amniga dowladda Puntland oo barlamaanku arrinkaasi su’aalo adag ka waydiiyeen ayaa shaaciyey in arrintaani ay tahay mid ku siman heer qaran isla markaana Muhaarjiriintaasi loo baahan yahay inay kawada hadlaan dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Mudane Dowlad ayaa caddeeyey in muhaajiriintu marka laga yimaado shuruucda dalka ay leeyihiin xuquuq gaar ah oo heer caalami ah loona baahan yahay in cidkasta ay dhowrto haseyeeshee ay waajibtahay in la xakameeyo.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Isbedelada siyaasadeed ee ka socda mandaqadda geeska Africa gaar ahaan dalka Itoobiya ayaan wax saamayn ah kuyeelan qulqulka muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee imaanaya Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada