Sunday 22 July, 2018

XOG HOOSE-Musharax Madaxweyne Corneal Jibriil oo Booqday Furimaha Dagaalka Tukaraq.

Warar hoose oo ay helayso shabakadda wararka ee Puntlandnews ayaa sheegaya in musharaxa madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019 Corneal Jibriil Maxamed Yuusuf uu booqday furimaha dagaalka Tukaraq.

Cornealka ayaa waxa uu booqday qaar kamid ah fariisimada ay ku sugan yihiin ciidanka difaaca Puntland iyo saldhigyo dhowr ah oo uu kula kulmay taliska guud iyo saraakiisha ciidanka difaaca Puntland.

U jeedada booqashada musharaxa ayaa la sheegay inay ahayd sidii uu xog uga heli lahaa xaaladaha dagaalka lagu xoraynayo gobolka Sool iyo inuu taladiisa ku biiriyo qorshaha xoraynta gobolkaasi.

Majiro wax warar faahfaahsan ah oo ka soo baxay kulamo xasaasi ah oo dhexmaray saraakiisha ciidanka iyo musharax Jibriil Maxamed Yuusuf oo safarkiisii ugu horeeyey ee musharaxnimo ka bilaabay Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Hal Fikrad Ayaa Laga Dhiibtay Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "XOG HOOSE-Musharax Madaxweyne Corneal Jibriil oo Booqday Furimaha Dagaalka Tukaraq."

  1. Ali says:

    The next Puntland President Waa Jibriil maxaa wacay waa geesi geesi dhalay hadduba tagay Tukaraq. Bal Gaas ha tago tukaraq, garoowe dhex fadhiyaa.

    2019 waa baxayaa Gaas haku tashto.

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada