Tuesday 18 September, 2018

XOG-Taliska Ciidanka Somaliland oo Xeelad Dagaal Ku Mashquulsan iyo Madaxweyne Biixi oo Amar Siiyey.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno talisyada ciidamada Soomaaliland iyo Puntland ee Tukaraq ayaa sheegaya inuu socdo diyaar garawgii ugu dambeeyey ee Soomaaliland isugu diyaarinayso dagaal ka dhan ah Puntland.

Xog hoose oo warbaahinta Puntlandnews ay ka heshay talisyada ciidanka Soomaaliland ayaa sheegaya in Soomaaliland ay diyaar garaw xoogan ugu jirto sidii ay ugu dagaalami lahayd gacan ku haynta deegaanka Tukaraq iyo guud ahaan gobolka Sool.

Mid kamid ah saraakiisha Soomaaliland oo lahadlayey wargeys ka soo baxa Hargaysa ayaa sheegay in saraakiisha ciidanka Soomaaliland la siiyey awaamiir ku aadan dagaalka Tukaraq iyo xeelado dagaal.

Sarkaalkaan ayaa waxa uu sheegay in taliyaha guud ee ciidanka Soomaaliland uu ciidamada soo gaarsiiyey amar ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi oo amar ku bixiyey in aan taago laga soo degin Tukaraq.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: