Wednesday 19 September, 2018

XOG+MUUQAAL-Corneal Jirbiil oo Ku Wajahan Tukaraq, Yuu Lakulmayaa iyo Qorshaha uu Damacsan Yahay.

wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Corneal Jibriil Maxamed Yuusuf, oo u sharaxan xilka madaxtinimada Puntland uu dhowaan booqasho xasaasi ah ku tegi doono furimaha dagaalka ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland.

Corneal Jibriil Maxamed Yuusuf, ayaa lafilayaa inuu jiidaha dagaalka kula kulmo taliska guud iyo saraakiisha hogaaminaysa ciidamada difaaca Puntland si uu uga xog waraysto xaaladda deegaanka kuna biiriyo khibraddiisa ciidan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Corneal Jibriil wuxuu sheegay inuu Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe u yimid sidii uu uga qayb qaadan lahaa difaaca dalka iyo ka qayb qaadashada xaaladaha ka taagan Puntland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Corneal Jibriil Maxamed Yuusuf oo u sharaxan xilka madaxtinimada Puntlan ee doorashada 2019 ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey saraakiil ciidan, siyaasiyiin, Isimo iyo dhalinyaro, haween iyo qaybaha bulshada.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: