Tuesday 18 September, 2018

DAAWO-Muuse Biixi iyo Cali Khaliif oo ay Kadhex Taagan Tahay iyo Tukaraq oo Sabab u ah.

Warar hoose oo aanu ka helayno magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa shegaya in qodobo aan farax gelin madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ay ka soo bexeen shirar saacadihii ugu dambeeyey ka socdey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shirarkaan xasaasiga ah oo u dhexeeyey hogaamiyihii Khaatumo Cali Khaliif Gallaydh iyo kooxdiisa ayaa waxaa siweyn loogu gorfeeyey xaaladda gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo ay ku loolamayaan Puntland iyo Soomaaliland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO SHIRKA

Kooxda Cali Khaliif ayaa sheegay inaysan waxba kala socon dagaalka gobolka Sool isla markaana uu yahay mid Soomaaliland ay keli kutahay taasi oo ka caraysiisay Muuse Biixi oo si kulul ugu hanjabay Cali Khaliif Gallaydh oo muddooyinkaan lagu maaweelinayey Laascaanood.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO SHIRKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: