Wednesday 19 September, 2018

DAAWO-Taliye Asad Cismaan oo Laga Codsaday inuu Isu Sharoxo Madaxweynaha Puntland iyo Qurba Joogta oo Loo Dayriyey.

Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Jirbiil oo warbaahinta qaar kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xiisadaha colaadeed ee gobolka Sool, doorashooyinka Puntland ee 2019 iyo arrimo kale.

Afhayeenka Isimada gobolka Nugaal ayaa ugu horayn sheegay in Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn, haseyeeshee madaxda Puntland looga baahan yahay inay sugaan xuduudaha Puntland.

Nabadoon Jibriil oo ka hadlayey doorashada Puntland lafilayo inay ka dhacdo 2019 ayaa tilmaamay in Puntland ay u baahan tahay madaxweyne daljoog ah oo dhalinyarada tahriibaysa kudaysho u noqda.

HALKAAN KA DAAWO CODSIGA KU SOCDA TALIYAHA

Waxaa uu dalbaday inuu xilkaasi isu sharaxo taliyaha guud ee ciidanka ammaanka Puntland ee PSF Asad Cismaan oo wararka qaar sheegayaan inuu xilkaasi u sharaxan yahay walow uusan weli shaacin.

HALKAAN KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

One Response to "DAAWO-Taliye Asad Cismaan oo Laga Codsaday inuu Isu Sharoxo Madaxweynaha Puntland iyo Qurba Joogta oo Loo Dayriyey."

  1. Ali says:

    Asc wr wb Waa sax in Puntland mar dambe dooran ruux wata USA Passport or European maxaa wacay:

    1. Raggaan waxaa loo yaqaan Boorsoolayaal waa dad dibad kuso duloobay una yimid inay dalka xadaan. Wadani ma ahan..

    Waxaa kusoo koobayaa haddalkeega Gaas halaga ceeriyo Puntland inta uusan naga burburin Puntland. Ninkaan dalka waxaa uu ujooga inuu cunno iska cunno, hadduu cunno rabo hau doonto USA.aan aqoon xitaa inuu isaga naftiisa difaacdo,, shacabka Puntland naceen.

    Jaale Puntland uma baahan beenaale oo fulaynimo ku darsaday.

    Mr Asad iyo Jibriil waxaa lee yahay wlc beddela maskiinkaan cunada iska cunaya ee

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: